Cod-bixinta wakiilka (Budröstning) waxay ka dhigan tahay in qof kale uu codkaaga kuu dhiibayo, ha ahaato goobtaada cod-bixinta ama goob loogu talagalay cod-bixinta hore.

Waxaad diyaarsan kartaa codkaaga wakiilka laga bilaabo 20 Agoosto. Kadib wakiilku wuxuu codkaaga geyn karaa goobta cod-bixinta hore laga bilaabo 26 Agoosto, oo ah maalinta ay cod-bixinta hore ka bilaabanayso Iswiidhan, ama wuxuu geyn karaa goobtaada cod-bixinta maalinta doorashada oo ah 13 Sebtembar.

Si aad ugu codeyso wakiil, waxaad u baahan tahay:

  • wakiil
  • markhaati (waa inuu noqdaa qof ka duwan wakiilka)
  • agab gaar ah oo loogu talagalay cod-bixinta wakiilka, kaas oo aad ka dalban karto bogga val.se ama aad ka qaadan karto goobaha cod-bixinta hore iyo goobaha cod-bixinta.

Wakiilku waa inuu jiraa ugu yaraan 18 sano, wuxuuna noqon karaa tusaale ahaan qof qoyskaaga ka mid ah oo kuu dhow, saaxiib, daryeele ama qof kale oo caadi ahaan ku caawiya. Markhaatiguna waa inuu sidoo kale jiraa ugu yaraan 18 sano.

Dalbo agabka cod-bixinta wakiilka (budröstning)

Halkan waxaad ka dalban kartaa agabka aad u baahan tahay si aad u cod-bixiso adigoo adeegsanaya wakiil. Marka laga reebo agabka, waxaad u baahan tahay qof noqon kara wakiilkaaga iyo qof kale oo markhaati kuu noqda marka aad codka dhiibanayso.

Buuxi foomka hoose si agabka cod-bixinta wakiilka loogu soo diro cinwaan aad doorato. Haddii aad dalbanayso in laguugu soo diro cinwaan ka duwan cinwaanka aad si rasmi ah uga diiwaangashan tahay, ku qor qaybta c/o magaca qofka ku qoran sanduuqa boostada ama qofka isticmaala meesha waraaqaha lagu rido.

Agabku wuxuu ka kooban yahay warqado cod-bixin oo bannaan, baqshadaha cod-bixinta, baqshad dibadeed oo loogu talagalay cod-bixinta wakiilka, iyo tilmaamo.

Dalbo ugu dambayn Isniin, 7 Sebtembar

Maalinta ugu dambaysa ee la dalban karo agabka cod-bixinta wakiilka waa Isniin, 7 Sebtembar, saacadda 12:00 duhurnimo.

Guji mareegtan:  https://www.val.se/sa-rostar-du/hjalp-att-rosta/rosta-hemifran-eller-fran-annan-plats/bestall-material-for-budrostning

 

By sydsom

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *