Xisbiga C ayaa si lama filaan ah u helay kobac xooggan, isagoo gaaray 7.3, kana hor maray Xisbiga V oo helay 6.5 iyo Xisbiga MP oo helay 6.6. Natiijadan ayaa dhalisay hadal-hayn badan oo ku saabsan qaabka ay noqon karto xukuumadda cusub ee ka dhalan karta Iswiidhan.

Xisbiyada hoos u dhacu ku yimid waxaa ka mid ah Xisbiga L, oo helay 2.4, taas oo muujinaysa in uu halis ugu jiro inuu ka baxo kaabadda doorashada.

Marka la eego saansaanta ay aftidani muujinayso, haddii xaaladdu sidaan ku sii socoto, waxaa suuragal ah in la arko xukuumad ay wada dhistaan S iyo C. Filashada kale waxay noqon kartaa xukuumad ay iska kaashadaan S iyo MP, iyadoo Xisbiga bidixda ee V uu dhabarka ka taageero.

Sida saadaashu tilmaamayso, isbahaysiga hadda talada haya ayaa u muuqda inuu burburi karo. Waxa la sugayo ayaa ah in la arko dowlad cusub oo mucaaradku hoggaamiyo. Inkastoo ay adkaan karto in la isu keeno danaha iyo aragtiyada kala duwan ee xisbiyada, haddana ugu dambayn waxaa la filan karaa in la gaaro xal iyo is-afgarad horseeda dhismaha xukuumad cusub oo ka siyaasad duwan tan hadda joogta.

By sydsom

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *