Maxamed iyo geesinimadii uu muujiyey kaddib weerarkii Fagersta
Kaddib weerarkii naxdinta lahaa ee ka dhacay iskuul ku yaalla Fagersta, halkaas oo nin seef sita uu ku weeraray arday iyo macallimiin, waxaa dhacay dhacdo mudan in si gaar ah loo xuso.
Intii uu weerarku socday, waxaa jiray qof dhaawac culus soo gaaray. Wiil Muslim ah oo lagu magacaabo Maxamed ayaa arkay qofka dhaawacmay, wuxuuna si degdeg ah ugu gurmaday. Maxamed wuxuu isku xilqaamay inuu caawiyo qofkaas, isagoo funaandiisa ku cadaadiyey meeshii dhaawacu ka dhiig-baxayey si uu u yareeyo dhiig-baxa. Intaas kaddib, wuxuu la xiriiray booliska iyo adeegga ambalaaska si qofka dhaawacmay loo gaarsiiyo daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Falka geesinimada leh ee Maxamed ayaa kusoo beegmay xilli ay Iswiidhan ku jirto xilli doorasho. Guddoomiyaha xisbiga Socialdemokraterna, Magdalena Andersson, ayaa ka hadashay dhacdada, iyadoo Maxamed uga mahadcelisay geesinimadiisa. Waxay tiri:
“Waad mahadsan tahay, Mohamed, inaad tallaabada hore u qaaday markii qof kale uu kuu baahnaa. Geesinimadaada iyo dadaalkaaga geesinimada leh waa wax ay Sweden oo dhan ku faani karto.”
Hadalka Andersson ayaa dhaliyey hadal-heyn iyo falcelin badan, gaar ahaan bulshada Muslimiinta ah ee ku nool Iswiidhan. Dad badan ayaa soo dhaweeyey fariinteeda, iyagoo u arkay inay tahay hadal muujinaya in geesinimada, samafalka iyo wax-ku-oolka qofka aan lagu qiimeyn diintiisa ama asalkiisa.
Arrintan ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah yeelanaysa xilli ay jiraan doodo siyaasadeed oo adag oo ku saabsan Muslimiinta iyo Islaamka, iyadoo qaar ka mid ah xisbiyada iyo siyaasiyiintu ay hadalladooda doorashada ku saleeyaan dhaleeceyn ama sawir taban oo laga bixiyo Muslimiinta Iswiidhan.
Sidaas darteed, tallaabada uu qaaday Maxamed waxay mudan tahay in la bogaadiyo. Wuxuu muujiyey geesinimo, naxariis iyo damqasho uu u muujiyey qof kale xilli uu isagu wajahayo xaalad cabsi iyo khatar leh.
Falka Maxamed wuxuu sidoo kale tusaale u noqon karaa qiyamka wanaagsan ee Islaamku ku boorriyo qofka Muslimka ah: naxariis, samatabixin, u gargaaridda qofka dhibban iyo in wanaagga loo sameeyo qof kasta, iyadoon loo eegin cidda uu yahay.