34 Maalmood oo Keliya ayaa inaga Xiga Doorashada Iswiidhan: Maxaa Muhiim u ah Soomaalida Iswiidhan?
Waxaa inaga xiga 34 maalmood oo keliya doorashada guud ee Iswiidhan, taas oo la qabanayo 13-ka September 2026. Xilligan waxaa si rasmi ah u socda ololihii doorashada, iyadoo axsaabta siyaasadeed ay ku tartamayaan sidii ay u heli lahaayeen codka iyo kalsoonida shacabka.
Haddaba, haddii aan nahay Soomaali-Iswiidhish, maxaa muhiim in aan ka ogaanno doorashada sanadkan, maxaase bulsho ahaan sameyn karnaa si codkeennu u yeesho saameyn muuqata?
- Codkaagu waa awoodda isbeddelka
Codkaaga ha u arkin oo keliya waajib muwaadinimo. Waa awood aad ku saameyn karto jihada siyaasadda iyo go’aannada dalka.
Qof kasta oo xaq u leh inuu codeeyo waa inuu ka faa’iidaystaa fursaddaas, isagoo si masuuliyad leh u qiimeynaya xisbiyada, musharraxiinta iyo siyaasadaha ay soo bandhigayaan.
Ha ka maqnaan doorashada. Codkaagu waa muhiim.
- U codee cidda matalaysa danahaaga
Doorashada waa in lagu saleeyaa faham iyo qiimeyn. Waa muhiim inaad ogaato:
- Maxay xisbiyada iyo musharraxiintu ka qabaan arrimaha adiga iyo qoyskaaga khuseeya?
- Sidee ayay u arkaan sinaanta iyo la-dagaallanka takoorka?
- Maxay ka qabaan waxbarashada, shaqada, amniga, daryeelka bulshada iyo fursadaha dhalinyarada?
- Sidee ayay u ilaalinayaan xuquuqda iyo karaamada dhammaan muwaadiniinta?
Sidaas darteed, u codee cidda aad u aragto inay si dhab ah u matali karto danahaaga iyo qiyamkaaga, hana ku salayn codkaaga magaca, qabiilka, qofnimada ama hadal olole oo keliya.
- Bulsho ahaan yeesha qorshe iyo istaraatiijiyad
Soomaalida Iswiidhan waa bulsho codkeedu leeyahay awood siyaasadeed haddii si qorshaysan loo adeegsado.
Waxaa muhiim ah in bulshada, ururrada, dhalinyarada iyo dadka siyaasadda daneeya ay yeeshaan qorshe iyo istaraatiijiyad cad oo lagu gaarsiinayo codka bulshada meelaha go’aannada lagu gaaro.
Ujeeddadu ma aha oo keliya in la codeeyo, balse waa in codka bulshada uu ka qayb qaato doorashada dadka matalaya bulshada heerarka kala duwan ee siyaasadda: baarlamaanka dalka, baarlamaannada gobollada iyo golayaasha degmooyinka.
- Ha u oggolaan codadka inay si aan qorshe lahayn u kala firdhaan
Haddii codad badan ay si aan istaraatiijiyad lahayn ugu kala baxaan musharraxiin iyo xisbiyo badan, waxaa adkaan karta in codka bulshada uu yeesho saameyn muuqata.
Taasi macnaheedu ma aha in qof walba lagu qasbo inuu hal xisbi ama hal musharrax u codeeyo. Codeyntu waa xuquuq qofeed oo xor ah.
Laakiin bulsho ahaan waxaa muhiim ah in la yeesho faham guud oo ku saabsan waxa la doonayo in la gaaro iyo musharraxiinta ama siyaasadaha sida ugu dhow u metelaya danaha bulshada.
- Ka fogaada kala-qaybsanaanta iyo isgarab-yaaca
Awoodda bulsho waxay daciiftaa marka ay noqoto mid kala firdhan oo aan lahayn jiho ay u socoto.
Sidaas darteed, waa in laga fogaadaa isgarab-yaaca, muranka aan wax dhisayn iyo kala-qaybsanaanta, lana badiyo wada-tashi, xog-ogaalnimo iyo qorshe fog.
Waxaa muhiim ah in aan fahanno in doorashadu aysan ku koobnayn hal maalin oo sanduuqa codka ah. Waxay sidoo kale ku saabsan tahay cidda aan rabno inay go’aannada inaga matasho afarta sano ee xigta iyo siyaasadda ay dalka ku hoggaaminayaan.
Doorashada 13-ka September 2026 waa fursad muhiim ah oo aan ku muujin karno ka-qaybgalka siyaasadeed ee bulshada Soomaaliyeed ee Iswiidhan.
Waxaan u baahanahay cod xog-ogaal ah, qorshe leh iyo ka-qaybgal siyaasadeed oo masuuliyad leh.
Aan doorashada u aragno fursad aan ku dhisno mustaqbal wanaagsan, aan ku xoojinno matalaaddeenna, isla markaana aan ku muujinno in Soomaalida Iswiidhan ay yihiin bulsho si dhab ah uga qaybqaadata nolosha iyo siyaasadda dalka ay qaybta ka yihiin.
Codkaaga ha lumin. Xaqaaga codbixintana ka faa’iidayso.
W.D Mohamud Nassir (Manaasir)