MA U BANNAAN TAHAY MUSLINKA KU DHAQAN GAYYI AAN ISLAAM AHAYN IN UU KA QEYB QAATO DOORASHADA BAARLAMAANKA ?
J: Mas’aladani waa mid kamid ah masaailka ijtihaadka, (masaailka ijtihaadku waa kuwa ay soo saaraan dadaal badan kadib culumo gaartay heerka dadaal bixinta ) waxaana loo eegayaa oo lagu miisaamayaa miisaanka sharciga danta iyo nacfiga ay muslimiinta ka helayaan ka qeybqaadasha, iyo dhibaatada soo gaadhaysa haddii ay ka qeyb qaataan.
Haddii markaa masaalixda (danaha ) ay ku gaarayaan ka qeybqaadashada ay ka badan tahay dhibaatada ka soo gaaraysa , markaa way bannaan tahay ka qeybqaadashadu.
Waxaa jira go’aamo laga soo saaray arrinkan, waxaana ugu muhim san go’aankan uu soo saaray majmaca fiqiga islaamka ee uu biyodhiciisu yahay sidan:
Mahad oo idil Eebbe kaligii baa leh, Ammaan iyo Nabadgalyo ha ahaato Nibaga aan laga dambeyn ee Muxammad ah dushiis, iyo waliba ehelkiisa iyo asxaabtiisa. Intaa ka dambaw:
Majmaca Fiqiga ee islaamka, wareegiisii 19aad ee lagu qabtay xarunta Raabida islaamka ee Makka xilligu markuu ahaa 22-27 kii bisha Shawwaal ee 1428 Hijriyada oo ku beegan 3-8 da Noofeembar 2017kii wuxuu eegay mawduuca ah ( ka qeyb qaadashada doorashooyinka wadamada aan islaamka ahayn ) Mawduucan oo wareegii hore ee majmaca dib loo dhigay si dhugashadiisa waqti fiican loo siiyo.
Markii la dhagaystay cilmi baaristii la soo bandhigay , lagana dooday si wanaagsanna loo falanqeeyey wuxuu go’aamiyey goluhu qodobadan:
- Ka qeybqaadashada muslinku uu ka qeybqaato doorashooyinka wadamada aan islaamka ahayn waa arrin kamid ah siyaasada sharciga islaamka ee xukun siinteedu tahay mid lagu miisaamayo masaalixda (Danaha ) iyo Mafaasidda (waxyeelada ) Fatwadeeduna kala duwanaan karto sida ay u kala duwan yihiin xilliyada , xaaladaha, iyo madasha lagu sugan yahay.
- Waxa u bannaan muslinka ka helay xaqa muwaadinimada wadan aan islaam ahayn in uu ka qeyb qaato doorashooyinka baarlamaanka iwm iyadoo loo eegayo waxa uu soo hoynayo marka uu ka qeybqaato oo masaalix (dano ) miisaaman ah , sida in uu soo bandhigo muuqaalka saxda ah ee islaamka. In uu difaaco qadaayaadka (arrimaha ) muslimiinta ee baladkaas. In uu soo xasiliyo waxtar iyo waxqabad u faaideeya dadka laga badan yahay, iyo in uu xoojiyo kaalintooda ay ku leeyihiin meelaha saamaynta leh. Iyo in uu la shaqeeyo dadka dhexdhaxaadka iyo garwaaqsiga leh si ay u sameeyaan iskaashi ku salaysan xaq iyo cadaalad. Go’aankan marka la qaadanayo waa in la tixgaliyaa arimaha soo socda.
– in muslinka ka qeybqaadanaya doorashooyinka ujeedadiisu tahay xasilinta danaha muslimiinta, kana difaacayo dhibaatooyin ku soo fool leh.
– In ka qeybqaadashadiisu horseedayso raad wanaagsan iyo faaidooyin sida in codkooda iyo codsiyadoodu la gaarsiiyo madasha go’aan gaarka, iyo in ay dhawrayso danaha diiniga ah iyo kuwa aduuneedba.
– In aysan ka qeybqaadashadiisu u horseedin gabood fal dhanka diintiisa ah.
Eebbe baa Tawfiiqda leh, N.N.D.H Nabi Muxammad , ehelkiisa iyo asxaabtiisa.
W.D .T / Sh.Maxamuud Naasir