Waxaa si talantaali ah u socota ololaha doorashada Iswiidhan ee ka dhici doonta 13 september. Waxaa suxulduub iyo tartan adag loogu jiraa sidii loo kasban lahaa codadka dadweynaha. Xisbiga midigta for ee SD ayaa ololihiisu yahay cunsurinimo iyo takoor ku salaysan diin iyo diir . Wuxuu si gaar ah u maagan yahay muslimiinta iswiidhishka ah, afkaarta uu aaminsan yahayna waxaa ka mid ah in Iswiidhishnimo iyo islaamnimo meel wada gali karin. Wuxuu rabaa in uu mamnuuco xijaabka, wuxuu ka soo horjeedaa dhismaha masaajidda, bal waxay rabaan in kuwa dhisan la dumiyo.
Waa xisbi xag-jir ah oo afkaartiisu aad u fog tahay. Dhawaantan wuxuu soo saaray buug ay islaamka ku sumcad xumaynayaan, danka ay ka leeyihiin buuggani in uu hadda soo baxo waa in ay ku marin habaabiyaan dadweynaha, ugana helaan codod.
Laakiin sida aqoonyahaniin badan tilmaameen, dadka akhrinaya buuggan aad bay u yar yihiin.
Ujeedada kale ee ay ka leeyihiin buuggan, waa in muslimiintu ka gadoodaan, kana falceliyaan, kadibna ay halkaas ka helaan buunbuunin dhanka warbaahinta ah. Sidaa awgeed waxaa lagula taliyey dadka muslimiinta ah in ay waxba ka soo qaadin, kana hadlin buuggan inta doorashada lagu jiro, kadib marka ay dhamaato doorashadu ha laga hadlo oo ha la falanqeeyo sidii loogu jawaabi lahaa.
Marka haddii aad tahay soomaali ama afrikaan muslim ah oo haysta dhalashada Iswiidhan, waxaad ka mid tahay yoolkooda, saa diintaada iyo diirkaaga madawba ma arki karaan wayna kugu takoorayaan.
Akhriste xaalku halkaas buu marayaaye maxaa kula gudboon? Maxaad awoodaa si aad uga hortagto daadkaa kugu soo wajahan?
Jawaabtu waa codkaaga, codkaaga isku difaac, xaqaaqa dimuqraadiga isticmaal hana isduudsiin, dooro xisbiyada miyirka qaba ee aan si gaar ah kuu aragsanayn. Waana kuwa ka soo horjeeda SD iyo xulafadiisa.
Ka qeybqaado inta ololuhu socdo dhiirigalinta dad weynha si ay usoo baxaan una codeeyaan.